Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 08 2008
Dilal Xalay ka Dhacay Muqdisho iyo Duleedyadeeda
Written by Ali Moallim   
Friday, 08 August 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyo duleedyadeeda ayaa xalay iyo shalay gelinkii dambe waxaa ka dhacay dilal loo geystay dad rayid u badan, kuwaasi oo ay toogteen kooxo hubeysan.

 

Deegaanka Carbiska ee Degmada Af-gooye ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ka dhacay dil loo geystay haweeney ka mid ahayd ganacsatada Qudaarta, taasi oo Kooxihii toogtay ay kala degeen gaari ay ka soo raacday Degmada Afgooye.

 

Xalayna Kooxo hubeysan ayaa waxay nin rayid ah ku dileen Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la sheegay in uu ninkaas ka tirsanaa Hor-joogayaasha Kaamamka dadka soo barakacay ee ku yaala Deegaanka Ceelasha Biyaha.

 

Nin kale oo rayid ah ayaa isna xalay waxay kooxo hubeysan ku dileen inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan nawaaxiga Xarunta Hay’adda UNDP, waxaana la sheegay in ninkaas la dilay xalay habeen barkii.

 

Ugu dambeyntiina, Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ilaalada Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa isna waxaa xalay lagu toogtay gudaha Degmada Kaaraan, iyadoo la sheegay in ay dilka Askarigaas ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo si gaadmo ah u toogtay.

 

Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay dilal loo geysanayo Dad rayid ah, kuwaasi oo ammaanka Caasimadda Soomaaliya ka dhigay mid aan hagaagsaneyn kadibna ay inta badan dadkii ku noolaa isaga barakaceen.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >